Ergeyga gaar ka ah ee QM ee Somaaliya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Nicholas Key oo ka hadlay federalka

Ergayga gaarka ah ee QM ee Somalia Nicholas Key ayaa ugu baaqay hoggaamiyaasha soomaalida in ay ka faa'ideystaan hannaanka federaalka ee la doonayo in laga dhaqan geliyo Soomalia.

Mr Kay oo waraysi gar ah siiyey BBC-da ayaa waxa uu tilmaamay in habka federaalka laga dhaqangeliyey waddamo badan oo horumaray, Soomaaliya na ay hormar ka gaari karto haddii si wanaagsan looga faa’ideysto.

Sidoo kale, mar uu ka hadlaayay warbixinta ay soo saareen kooxda Xasaradaha caalamha ee (International Crisis group) waxa uu sheegay inaysan jirin wax laga faa’ideysan karo Al-shabaab haba yaraatee.

Hadaladiisan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jiraann xiisado siyaasadeed oo isasoo taryey oo ku saabsan hannaanka federaalka iyo maamul goboleedyada. Waraysiga Nicholas Kay waxa inoo soo koobaya Mohammud Ali