Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali ku nool gobolka Alaska

Gobalka Alaska ee waddanka Mareyka wuxuu ka mid yahay labada gobol ee aan ka dhaxmuuqan khariidada dalka Mareyka ee goonida uga baxsan.

Wuxuu leeyahay gobolku cimilo layaab leh.

Xilliga qaboobaha waxaa aad ugu badan barafka oo ka dhiga gobolka ugu qabow gobollada Mareykanka, halka xilliga kulaylahana uu gobolka yahay mid ay maalintu ka badan tahay habeenkuna uu aad u yar yahay .

Taysiir Maxamed Ali Diraac, waxa uu ka mid yahay dadka tirada yar ee Soomaalida ah ee halkaasi ku nool, waxaa la kulmay oo wareystay weriyaha BBC Maxamed Xaaji Xuseen.