Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Mataaneynta Muqdisho iyo Istabul oo laga faa'iidayo

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda mashaariic ay fulinayso dowladda hoose ee caasimmada dalka Turkiga ee Istambul, waxayna qeyb ka tahay barnaamijyada mataanayta Muqdisho iyo Istanbul.

Mashaariicdan ayaa waxaa shaqo ka helay dad badan oo Soomaali ah oo ku nool caasimadda Muqdisho, oo ku howlan nadiifinta Muqdisho.

Weriyaha BBC ee Muqdisho Maxamed Ibrahim Mucalimuu ayaa arrintaa la socday oo warbixintan ka soo diray.