Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abni oo ka hadleysa dhibaatada baruurta

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Abni Maxamed Cali waxa ka dhacay 36 Kiilo

Abni Maxamed Cali waa gabar Soomaaliyeed oo deggan magaalada London, waxa muddo dheer dhibaato ku hayay cayilka ama baruurta, oo u keeni jirtay xanuunno badan oo mar walba ay ku noq noqon jirtay dhakhtarkeeda.

Dhakhtarka ayaa mar walba isaguna waxa uu Abni kula talin jiray inay baruurta iska riddo oo ay is caateyso haddii ay caafimaad dooneyso.

Haddaba ugu danbeyntii Abni, waxay heshay xal taasi oo ah daawooyin dhir laga sameeyay oo ay bilowday inay isticmaasho, markii dambena ay shaqo kaga heshay shirkad soo saarta daawooyinkaasi oo hadda ay gacan ka siiso dadka Soomaalida sidii ay cayilka iska ridi lahaayeen.

Abni waxa ay muddo lix bilood gudahood iska ridday 36 kiilo oo baruur ah.

Weriyaha BBC, Farxaan Maxamed Jimcaale, ayaa ka wareystay Abni sida ay ula dagaallantay baruurta.