Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Daraasad lagu ogaaday in khaadka uu yahay mukhaadaraad

Cilmi baaris socotay ku dhawaad saddex sano ah oo lagu sameeyay qaar ka mid ah dadka khaadka cuna ayaa muujinaysa in cunista khaadka ay horseedi karto dhibaatooyin dhanka maskaxda ah.

Daraasadan oo ay wadajir u sameeyeen jaamacado caalami iyo kuwo gobolka ah iyo hay'ado maxali ah, ayaa lagu sameeyay qaar ka mid ah Soomaalida khaadka cunta ee xaafada Islii ayaa lagu ogaaday in uu khaadka uu ka mid yahay mukhaadaraadka.

Sida uu sheegayo Dr Cabdulqaadir Xuseen Warsame, oo ka mid ahaa khubaradii baaritaanka sameysay, kuna takhasusay cudurada dhimirka iyo balwadda.

Dhakhtarka waxa uu u warramay weriyaha BBC Axmed Xaaji Xasan.