Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

WHO oo Ebola ku tilmaantay xaalad caalami oo degdeg ah

Lahaanshaha sawirka EPA

Ha'yadda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqday in cudurka Ebola ee ka curtay Galbeedka Africa uu yahay masiibo caafimaad oo caalami ah.

Saraakiisha WHO ayaa sheegtay in jawaab caalami ah oo wada-socoto in ay lagama maarmaan u tahay sidii loo joojin lahaa oo loo xakamayn lahaa cudursidaha Ebola.

Waxaa hadalkan lagu dhawaaqay kadib markii khubaradu ay kulan laba maalmood oo deg deg ah ku soo gabagabeeyeen dalka Switzerland.