Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Biyo yari ka jirta deegaanka Geriley

Deegaanka Garileey ee gobolka Gedo ayaa lagu soo warramayaa in ay ka taagantahay xaalad biyo la'aaneed iyadoo tiro badan oo kamida qoysaskii halkaa daganaa ay isaga tageen.

Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa haleelay roobab xumo isku xigxiga, taasi oo sababtay biyo yari ba'an oo ka dhacday deegaanada qaar.

Golaha Yurub ayaa Khamiistii ku daabacay boggooda Internet-ka, in gobolka Gedo, ay liiteen roobkii uu helay labada xilli ee Gu'ga iyo Deyrta, meelaha qaarna aanaba ku dhibcin.

Xilliga jiilaalka ayaa u daran oo waxaa qalala ilayaha biyaha ay dadku ka helaan.

Haddaba waxaanu arrintaa ka wareysanay gudoomiyaha deegaanka Garileey ee gobolka Gedo, Aar Maxamuud Maxamed, oo u warramay weriyaha BBC Ibrahim Maxamed Aadan.