Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xil Cabdulqaadir: Ciidammada Kenya haka soo baxaan Soomaaliya

Ku dhawaad saddex sano ayaa laga joogaa markii ay ciidammada Kenya galeen Koonfurta Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa xilligaasi sheegtay inay halkaasi u galeen si ay u difaacaan deegaanada loo dalxiis tago ee Kenya, kuwaasi oo ay ka dhaceen falal amni darro.

Haddaba Xisbiga mucaaradka ee CORD ee dalka Kenya ayaa ku doodaya in la joogo waqtigii ciidamadaasi laga soo saari lahaa waddanka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Aadan (Cabdi K) waxa uu ka mid yahay xildhibaanada xisbigaasi CORD, waxa uu u warramay weriyaha BBC Bashkas Jugsodhacay.