Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Suugaantii abwaan Fidhin

Maxamuud Maxamed Fidhin waxa uu ka mid ahaan jiray abwaaniinta suugaanyahanada ahaa xiligii dowladii Soomaliya,

Abwaanku sida uu sheegay waxuu tiriyey 75 gabay oo galay kaydka suugaanta ee Radio Muqdisho, sidoo kale abwaan Fidhin waxuu sameeyey ruwaaydo jacayl ah.

Abwaan Fidhin waxaa dhawaan la kulmay oo waraystay wariyaha BBC Cabdirisaaq Xaaji Catoosh, ugu horayna waxa uu waydiiyay goortii ugu dambaysay ee uu gabay tiriyo.