Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hargeysa oo hab casri ah shinnida looga dhaqdo

Dhageyste waligaa maku fikirtay in aad dhaqato shinni, sida ariga, geela iyo lo'da loo dhaqdo.

Haatan waxaa jira dad kooban oo Soomaali ah oo si casri ah u dhaqdo shinnida, waxaa dadkaasi ka mid ah Maxamed Mataan Jaamac, oo ah nin reer Hargeysa ah oo muddo sanad ah dhaqanayay shinni, si uu uga helo malab uu iib geeyo.

Maxamed, waxa uu carwadii ganacsiga ee dhawaan Hargeysa lagu soo gebagabeeyay keenay qalabkii iyo saxaaradihii shinnida ay malabka ku samayso.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa Maxamed Mataan Jaamac ka wareystay shinnida iyo malabka siday u samayso?