Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jaamacadda Golis oo qalab casri ah loogu deeqay

Jaamacadda gaarka loo leeyahay ee Golis ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ay markii ugu horreysay u keentay ardada ku jirta kulliyadaha cilmiga teknoolojiyadda iyo isgaarsiinta, qalab casri ah oo ay ku bartaan farsamada injineerinka isgaarsiinta.

Qalabkan cusub oo qiimihiisa lagu sheegay saddex million oo dollar-ka Mareykanka ah ayaa waxaa deeq ahaan jaamacadda Golis ugu caawisay sharikadda isgaarsiinta ee NationLink.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige, ayaa booqday goobta qalankaasi cusub lagu rakibay ee jaamacadda Golis, kadibna warbixintan ayuu inooga soo diray.