Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abaaro fara ba'an ku hayo Gobalka Gedo

Waxaa laga dayrinayaa xaallada abaarta ee ka jirta qeybo ka tirsan gobolada Soomaaliya, iyada lagu soo warramayo in dad ay u dhinteen haraad, gaajo iyo cuduro ka dhashay abaarta.

Gobolada ay abaartu aadka u saameysay waxaa ka mid ah gobolka Gedo, waxaana dad badan oo ku dhaqnaa miyaga ay u hayaameen magaalooyinka gobolkaasi.

Maxamed Aadan Maxamed waxa uu ka mid yahay dadka ay abaarta saameysay, waxaana uu qoyskiisa ula hayaamay deegaanka Ceelcade, kaddib markii ay xoolaha ka dhammaadeen.

Waxa uu khadka telefoonka ugu warramay weriyaha BBC Xasan Cali Geelle.