Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali ku biireysa Daacish

Lahaanshaha sawirka
Image caption Kooxda khilaafada Islaamka ee Suuriya

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka tagaya waddamada Maraykanka iyo Canada, isla markaana ku biiraya ururka Khilaafada Islaamka, ee ka dagaalamaya waddamada Ciraaq iyo Suuriya ayaa tiradoodu ay sii kordheysaa.

Inta la ogyahay dhalinyaro gaareyso 15 ayaa sida la sheegay ka tagay Magaalada Minneapolis, kuwaasi oo ku biirayay kooxdaasi, arrintaasi ayaa walaac ku abuurtay waalidiinta dhalay dhalinyaradaasi.

Cumar Jamaal waxa uu kala shaqeeyaa waalidiintaasi wax yaabaha ay u baahanyihiin, wuxuuna xaaladaha jira uga warramay weriyaha BBC-da Maxamed Xuseen Xaaji, oo ugu hreyn weydiiyey tirada dhalinyarada ilaa hadda ku biiray kooxda Khilaafada Islaamka.