Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xariga gudoomiyaha xisbiga PDP

Xubno ka mid ah barlamaanka Soomaaliya iyo Masuuliyiinta xisbiga nabadda iyo dimuquraadiyadda (PDP) ayaa si adag uga jawaabay xarigga hogaamiyaha xisbigaasi ee Cabdullahi Sheekh Xasan oo laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Cabdullahi sheekh Xasan ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya ay xireen arbacadii, markii uu ka degay garoonka, isaga oo ka ambabaxay magaalada Nairobi.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma sheegin sababta loo xiray. Balse waxaa lagu yaqaanaa afkaartiisa ka dhanka ah dowladda.