Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Boosaaso iyo Minneapolis oo la mataanaynayo

Xubnaha Dowladda hoose ee magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa isku raacay in magaalooyinka Minneapolis iyo Boosaaso la mataaneeyo oo la isku xiro.

Waxyaabaha ay labadani magaalo iskaashi ka yeelan doonaan ayaa waxaa ka mid ah dhanka waxbarashada sida iskuulada iyo jaamacadaha.

Haddaba dowlada hoose ee Minneapolis waxaa xubin la soo doorto ka ah Cabdi Yaasiin warsame waxa uuna Cabdirisaaq Xaaji Catoosh uga waramay qaabka loo mataanaynayo labadani magaalo.