Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

UCID: Doorashada Somaliland waqtigeeda waa ay dhaafi doontaa

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ee Somaliland, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa welwel ka muujiyay in doorashada madaxtooyada iyo baarlamaanka Somaliland ay ku qabsoomi karto xilligii dastooriga ahaa ee dhamaadka bisha june sanadka 2015-ka.

Wuxuu kaloo ka hadlay diiwaangelinta madaniga ah iyo ciidamo dhowaan xukuumadu ku dhawaaqday inay gaar u noqonayaan ilaalinta shirkadaha baarista shidaalka Somaliland.

Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa u warramay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay mawqifkooda qabanqaabada hawlaha doorashada.