Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxa ku qaadaya dhalinyartu in ay ku biiraan kooxaha xagjirka ah?

Waxa isa soo taraya walaaca wadammada reer galbeedka ay ka muujiyaan dhalinyarta ku biiraya kooxaha xagjirka ah sida, kooxda Daacish.

Waxaa la sheegaa in ajaaniib fara badan ay ku jiraan dagaalyahannada Daacish ee ka dagaallamaya Suuriya iyo Ciraaq.

Kumanaan ka mid ah waxa ay ka tageen waddamada galbeedka sida Mareykanka, Britain, iyo Australia.

Dhalinyaro qurba joog Soomaali ah oo aan tiradooda la ogeyn ayaa ku biiray xooggagaasi Islaamiyiinta ah.

Waxaa u dambeeyey laba gabdhood oo Soomaali da' yar oo ka tegay Britain oo u safray Suuriya.

Halkan ka dhagayso warbixin uu Weriyaha BBC-da Rage Xassan ku eegayo arrintan.