Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abshir wuxuu jilay film Hollywood oo cusub

Image caption Abshir Maxamed Xasan wuxuu ku jilayaa filimka wiil yar oo aan nixin

Abshir Maxamed Xasan (Abaadir) oo 28 jir wuxuu wax ka jilayaa isaga iyo wiil kale oo Soomaali ah film cusub oo la yiraahdo Default oo toddobaadkan soo baxay.

Filimka wuxuu ku saabsan yahay dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku afduubaneysa dayaarad Mareykan ah jasiiradda Seychelles.

Abshir oo ku nool magaalada Los Angeles ee xarunta filimada Hollywood, waxa uu sheegay in fursaddan jilaaga ah oo yaraantiisi uu jeclaa inay ugu timid makhaayad yar oo Soomaalidu ku leedahay Mareykanka.

Wuxuu sheegay inay u yimaadeen dad raadinaya Soomaali oo film wax ka jisha, kaddib imtixaan laga qaadayna uu ku guuleystay isaga iyo saaxiibkii.

Weriyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa wareysi kala yeeshay Abshir filimka iyo qaybta uu ka jilayo.