Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kalluumeysato agab loogu qeybiyay Somaliland

Qaar ka mid ah kalluumaysatada Somaliland ayaa mararka qaar isaga baxa ganacsiga kalluumaysiga sababo la xiriira matoorada doonyaha ay kalluunka ku jilaabtaan oo ciladooba iyo shabakadaha oo ka dhamaada.

Haddaba wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Somaliland ayaa markii ugu horraysay waxa ay dhawaan u qaybisay kalluumaysatadaasi qaarkood matoorro iyo shabaakado.

Waxaa tirada matoorada iyo deeganada xeebaha ee ay u qaybiyeen BBC-da uga warramay wasiirka wasaaradda kalluumeysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax.

Weriyaha BBCda ee Hargeysa Axmed Saciid Cige oo wareystay wasiirka ayaa ugu horreyn weydiiyay matooradaasi meelaha ay geeyeen.