Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Nin reer miyi ah oo xafidsan 100 gabay

Soomaalidu way ku dheeraysaa xafidaadda gabayada gaar ahaan dadka reer miyiga ah oo qaar badan oo ka mid ah iyagoo aan wax qorin waxna aqrin xafida boqolaal murtida Soomaalida ka mid ah gaar ahaanna gabayada.

Dadkaas waxaa ka mid ah Daahir Cumar Buraale, oo isagu xafidsan in ka badan boqol gabayada Soomaalida ah oo uu bilaabay isagoo da'yar. Daahir waxna ma qoro waxna ma aqriyo

Daahir Cumar Buraale waxa ala kulmay Cabdirisaaq Xaaji Catoosh oo ugu horayn weydiiyey qaabka uu gabayadan ku xafiday