Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda naafada tuulada Macallimiin

Tuulada Macalimiin oo ka tirsan deegaanka Gaarisa waxaa ku nool tiro dad ah oo naafo ah.

Dadkaasi ayaa waxa ay ka cabanayaan dhibaatooyin kala duwan oo ay ugu horreyso in ayna haysanin gaadiidka ay naafadu isticmaalaan.

Waxaa jira dhaqaale ay dowladda si gaar ah ugu talagashay caawinta dadka naafada ah hasayeeshee waxa ay sheegayaan dadkaasi in ay na wax badan ka soo gaarin.

Maxamed Cabdullaahi Axmed, waxa uu ka mid yahay dadka naafada ah ee ku nool deegaankaasi, Bashkas Jugsoodhacay ayuuna u warramay.