Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dadka la heyb sooco ee Somaliland oo cabanaya

Qaar ka mid ah madax dhaqameedka iyo waxgaradka dadka la hayb sooco ee Somaliland ayaa ugu baaqay baarlamaanka in uu isbedel ku sameeyo xeerarka doorashooyinka ee hor yaalla oo kuraas koota ah loo sameeyo.

Dadka la hayb sooco ee Somaliland ayaanan xubno ku lahayn golayaasha deegaanada iyo golaha wakiilada ee la soo doortay.

Suldaan Naasir Suladaan Cabdi Ismaaciil waxa uu ka mid yahay madax dhaqameedka dadka la hayb sooco. Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa wareystay, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay waxa ay ka cabanayaan.