Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muungaab oo u waramay BBC

Guddoomiyaha gobolka banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Xassan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ka mid ahaa guddoomiyayaasha gobolada ee ka qaybgalay shirka Copenhagen ee Iskaashiga Soomaaliya iyo deeqbixiyayaasha caalamka.

Qaar ka mid ah mashruucyada caalamku maalgalinayo ayaa laga fulinayaa gobolka, isagoo ka warbixiyay tallaabooyinka gobolka iyo horumarka ilaa hadda jira ee dhinacyada amniga, daqli uruurinta iyo dhismaha maamulka.

Hadaba Cabdiraxmaan Koronto oo guddoomiyaha ka waraystay xaaladaha gobolka, ayaa marka hore uu duqa magaaladu ka waramayaa ka qaybgalka gobolka Banaadir ee shirka Copenhagen.