Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Culimo cambaareysay dowladda Kenya

Culimaa'udiinta magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari Kenya, ayaa cambaareeyay xiritaanka ay boolisku todobaadkan xireen afar masaajid oo ku yaalla magaalada xeebta ee Mombasa.

Waxa ay sheegeen in masaajidda ay yihiin meel loogu talagalay cibaado, suurtagalna aanay ahayn in hub lagu keydiyo.

Culimadaas ayaa sidoo kale waxa ay ugu baaqeen hogayayaasha bulshada ee magaalada Mombasa inay u istigaan sidii ay ku xallin lahaayeen arrinta.

Rabshado ka dhacay magaalada Mombasa todobaadkan ayaa waxa ku dhintay hal qof.

Culimadaasi ayaa waxaa ka mid ahaa Sheekh Xasan Cameey oo u warramay weriyaha BBCda Bashkas Jugsodhacay.