Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dowladda Kenya oo hadashay amni darida Mandera

Dawladda Kenya waxaa soo foodsaaray culays dhanka ammaanka ah, kaddib markii ururka Al-Shabaab uu deegaan hoos yimaada magaalada Mandheera ee gobalka waqooyi bari Kenya ku dileen 28 qof oo shacab ah.

Arrintaasi ayaa waxa ay sababtay in ay isaga soo baxaan magaalada Mandheera qaar kamid ah shaqaalaha dawladda ee aan Muslimka aheyn.

Dadka aan Muslimka aheyn ee ku cararay xerada milatariga ayaa waxaa ka mid ah ninkan magaciisa qariyaya sababo la xiriira ammaankiisa.

Haddaba arrintaasi maxay dawladda Kenya ka qabanaysaa? Aadan Barre Ducaale waa hoggaamiyaha xisbiga heysta aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, waxa uu u arrimahaasi uga warramay weriyaha BBC-da Bashka Jugsoodhacay.