Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gudiga doorashada Somaliland

Todobada xubnood ee gudiga doorashooyinka Somaliland ayaa maanta fadhigoodii ugu horeeyay waxay iska dhex doorteen gudoomiye oo ah Eng; Cabdilqaadir iimaan warsame iyo gudoomiye ku-xigeen Maxamuud Xasan Wacays, kadib markii shalay gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland uu xubnahaasi mid mid ugu hor dhaariyay madaxweynaha Somaliland. Hore waxaa gudigaasi cod aqlabiyad ah ugu soo ansixiyay baarllamaanka .

Eng; Cabdilqaadir Iimaan Warsame ayaa wareysigii ugu horeeyay siiyay BBC-da, kadib markii isla maanta ay xilkii rasmi ahaan ugala wareegeen gudigii hore ee doorashooyinka xaflad lagu qabtay xarunta gudigaasi ee hargeysa .