Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waa sidee xuquuqda aadanaha ee Somaliland?

Magaalada Hargeysa waxaa lagu wadaa in maanta laga xuso munaasabadda maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka.

Somaliland ayaa ururada udooda xuquuqal insaanku waxa ay sheegaan in booliska ay gaystaan tacadiyo oo ay xirxiraan howlwadeenada saxaafadda, saraakiisha xisbiyada mucaaridka, iyo dad ay u xirxireen fikirkooda.

Weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, ayaa wuxuu xadgudubyadaasi lagu eedeynaayo xukuumadda Somaliland ka wareystay gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee xuquuqal insaanka Somaliland, Fatxiya Xaaji Xuseen Jaahuur, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay hal-ku-dhega sanadkan ee maalinta xuquuqda aadamaha?