Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dad cuduro kala duwan ugu dhintay Jalalaqsi

Dhawr iyo toban qof ayaa maalmihii la soo dhaafay xanuunno kala duwan ugu geeriyooday degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, xilli xarumo caafimaad oo shaqeeya aanay ka jirin deegaankaasi.

Dadka dhintay waxa kamid ah sideed caruur ah.

Degmada Jalalaqsi ayaa kamid ah goobihii dhawaan laga saaray Alshabaab, balse wali ma aysan helin adeegyada bulshada ee caafimaadku kamidka yahay.

Maxamed Cabdulle Fiidow waa gudoomiyaha degmada Jalalaqsi.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa waraystay, wuxuuna marka hore weydiiyay xaaladda caafimaad ee deegaanka iyo dadka ilaa hadda dhintay tiradooda?