Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ciyaar jecel muxuu Muqdisho ku soo arkay

Guddoomiyaha Kooxda Fanka Qeylo-dhaan oo la aasaasay 2009-kii kaddib weerarkii lagu qaaday ardeydii ka qalin jabinaysay Hoteelka Shaamo, Cabdi Shire Jaamac (Cayaar-Jecel), ayaa dib uga soo laabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdishu oo uu booqday markii ugu horaysay muddo 25 sano ah.

Waxaa uu tagay xafiiska BBC ee London, Farhan Mohamed Jimacaale oo waraystay ayaa ugu horeyn weydiiyay wixii uu Muqdisho ku soo arkay iyo heesta cusub ee uu ka sameeyay caasimadda.