Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gudoomiyaha UCID oo ka hadlay arrimaha gobolka Awdal

Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah Somaliland, ee UCID, Faysal Cali Waraabe, oo Hargeysa kula hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin wadahadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland iyo qaabka ay xukuumadda Somaliland u wajahday arrinta gobolka Awdal.

Faysal waxa uu dhanka kale muujiyay inuu walwal ka qabo in dooradashada Somaliland ee sanadka soo socda ay ku qabsoomi waydo xilligii loogu talagaly.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige oo wareystay Faysal Cali Waraabe ayaa ugu horeyn weydiiyay waxa uu saxaafadda u sheegaayo.