Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dowladda oo sheegtay in Ebola aanu ka jirin dalka

Lahaanshaha sawirka Science Photo Library

Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa xiray saddex weriye iyo idaacaddii ay ka shaqeynayeen oo ku taal magaalada Muqdisho, kadib markii ay baahisay war ay masuuliyiinta dowladdu ku tilmaameen been-abuur.

Ciidamada ayaa la sheegay inay xireen Agaasimaha idaacadda Risaala, tifatiraha idaacadda iyo mid ka mid ah weriyaasha.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in aanu cudur ebola ka jirin Soomaaliya, arrintan ayaa ka dambeysay markii ay idaacad ku taal Muqdisho ay tabisay warar sheegaya in qof cudurkaasi qaba oo ka yimid Galbeedka Afrika uu ku sugan yahay dalka.

Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay hayeen qofkii lagu sheegay cudurka oo ay baaritaan ku sameeyeen, ilaa muddo 21 cisho ahna ay sii hayn doonaan.

Haddaba Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa arrintan wuxuu ka wareystay Agaasimaha Guud ee wasaaradda caafimaadka Dr Cabdiqani Shiikh Cumar, waxaanu weydiiyay sida warku kusoo baxay.