Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Macallimiinta Kenya oo shaqada joojiyay

Iskuuladda dalka Kenya ayaa lagu wadaa in maanta ay dib u furmaan, balse ardeyda ayaan wax casharo ah qaadan doonin, kaddib markii uu Ururka Midowga Macallimiinta ee Kenya ee loo soo gaabiyo (KNUT) shaaciyay shaqo joojin.

Macallimiinta ayaa doonaya in muushaarka loo kordhiyo.

Maxkamad ku taalla Kenya ayaa amartay in macallimiinta aanay ku dhaqaaqin shaqa joojin, balse wada xaajood lagu dhammeeyo arrinta.

Weriyaha BBC-da Bashkas Jugsoodhacay ayaa wareystay Ibraahim Maxamed Catoosh oo ah xoghayaha ururka KNUT qeybtiisa Gaarissa.