Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Geela mara laamiga Hargeysa

Mararka qaar waxaa dhacdo in gaadiidka maraya wadooyinka Hargeysa ay joogsadaan, si ay fursad u siiyaan xeyn geel ah oo baarqabkiisa wata. Geela ayaa ah mid ay dhaqdaan dad magaaladaasi ku nool. Weriyaha BBC Axmed saciid Cige ayaa isaga oo maraya mid ah wadooyinka Hargeysa si kadis ah ula kulmay geelaasi jidka loo baneeyay, waxaana dadka wadadaasi gawaarida ku marayay ka mid ahaa gudoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe. Sheekadan ayaa dhex martay.