Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi: Agaasimaha guud ee CAIR-MN

Hay'adda u dooda xuquuqda Muslimiinta Mareykanka ee loo yaqaano Council on American Islamic Relations (CAIR), ayaa dhawaan u magacowday agaasimaha guud ee xafiiskeed gobolka Minnesota, nin Soomaali ah oo la yiraahdo Jaylaani Xuseen.

Hay'adda CAIR ayaa xalisay ama hadda gacanta ku haysa dacwado badan, oo ay usoo gudbiyeen Muslimiin Mareykanka ku nool, oo ka cabanaya in lagu dhibaateeyay diinta ay aaminsan yihiin. Gobolka Minnesota, Soomaalida ayaa u badan dadka dacwadaha noocaasi ah gudbiya.

Weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen ayaa Jaylaani ku booqday xafiiskiisa oo waraystay, waxa uuna ugu horreyn weydiiyay sida uu dareemayo shaqadan loo magacaabay.