Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dadka gaagaaban ee Gaarisa oo cabanaya

Qaar ka mid ah dadka gaagaaban ee ku nool magaalada Gaarisa ayaa ka cabanaya faquuq ay kala kulmaay qeybaha bulshada.

Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa BBC-da u sheegay in ay shaqo heli la' yihiin gaabnaantooda awgeed.

Dastuurka Kenya ayaa dhigaya in dadka curyaanka ah ay leeyihiin xaq la mid ah kan dadka lixaadkoodu taamka yahay.

Weriyaha BBC-da ee Gaarisa, Bashkas Jugsoo dhacay ayaa wareystay laba kamid ah dadka gaagaaban ee Gaarissa.

Waxa ay kala yihiin Axmed Siyaad Maxamed iyo Sharaf Maxamed Cabdi waxaa ku hormaraya Axmed Siyaad.