Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Haween Soomaali ah oo laga qalay iskufuranka

Saddex iyo toban haween ah ayaa ka faa'iideystay qalniin looga daweynayo iskufuranka.

Haweenkaasi oo intooda badan ka yimid gobolka Gedo ayaa qalniinka loogu sameeyay magaalada Mandeera ee gobolka waqooyi bari ee waddanka Kenya, waxaana fulisay hay'adda Norwegian Church Aid (NCA).

Xaaladda iskufuranka waa mid dhibaato ukeento haween badan oo xaamil ah oo Soomaaliya ku nool.

Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa sheega in gudniinka fircooniga ah iyo haweenka ay foosha ku adkaato ee aan ku dhalin cisbitaalka ay u nugul yihiin iskufuranka.

Halkan ka dhageyso wareysiyo umuurtaasi ku saabsan oo uu qabtay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.