Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jebinta Daacish oo laga shirayo

Waxaa maanta ka furmaya magaalada London, shir hal maalin soconaya oo looga hadlayo qaabka lagu jebin karo ururka Daacish.

Madaxda ka qeyb galaysa shirkaasi waxaa ka mid ah ra'iisul wasaaraha Ciraaq, Xaydar Al-Cabadi iyo xoghayayaasha arrimaha dibadda ee Britain iyo Mareykanka.

Ururka Daacish ayaa gacanta ku haya dhul ballaaran oo ku yaalla Ciraaq iyo Suuriya.

Maxamud Sheekh Axmed Dalmar waxa uu ka faaloodaa arrimaha caalamka Islaamka. Khadka telefoonka ee London ayuu ugu warramay Suheyba Maxamed Badqas, ugu horeyna waxa ay weydiisay khatarta ay Daacish ku tahay dalalka galbeedka.