Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Haweeney 90 jir ah oo sikuul hoose dhigata

Malaha waa ardayadda ugu da'da weyn dugsiyada hoose dhexe ee dunida.

Priscilla Sitienei waa 90 jir, waxa ayna ardayad ka tahay dugsiga hoose dhexe ee Ndalat ee ku yaalla meel u dhaw magaalada Eldoret ee dhacda galbeeka Kenya.

Waxa ay muddo shan sano ah ardayad ka aheyd iskuulkaasi, iyadoo baranaysay sida wax loo qoro misana loo akhriyo.

Priscilla waxa ay haysaa raadkii ninkii geeriyooday ee Kimani Maruge kaasi oo soo jiitay indhaha caalamka kaddib markii uu iska diiwaan geliyay dugsi hoose dhexe isaga oo ay da'diisu tahay 84 sano, markaasi oo uu noqday ardaygii ugu weynaa dunida.

Weriyaha BBC ee Edward Thomas ayaa maalin dhan waxa uu la joogay Priscilla si uu bal u ogaado waxa ku dhaliyay xilligan inay qalinka qaadato. Warbixintan ayuu inooga diyaariyay waxaana inoo soo jeedinaya Cabdifitaax Ibraahim Cagayare