Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Macallimiinta dugsiyada Quraanka oo la kulmay dowladda Kenya

Illaa 400 oo macallimiinta dugsiyada quraanka kariimka ah ayaa la kulmay xubno ka socday dowladda Kenya iyo xildhibaanka degmada Kamukunji.

Shirka oo ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa diiradda lagu saaray dhibaatooyiinka haysta macallimiinta iyo tuhunka dowladda ay dugsiyada iyo madaarista ka qabto.

Macallimiinta ayaa sheegay in aysan lug ku lahayn waxa loogu yeeray argagixisada, caruurtana ay baraan wanaagga oo keli ah.

Waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii macallimiinta iyo dowladda Kenya u wada shaqeyn lahaayeen.

Sheekh Xuseen Cali Hubiye oo ka mid ah macallimiintaasi ahna gudoomiye ku xigeenka dalad ay macallimiinta ku mideysan yihiin ayaa Axmed Xaji Xasan uga warramay kullankaasi……………..