Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Masaajidyada Britain oo lagu casuumay shacabka

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Masaajidka bariga London

Qaar ka mid ah masaajidyada ku yaal Britain ayaa albaabada loo furay dadka aan muslimka ahayn oo lagu casuumay bal inay arkaan waxa ka socda gudaha masaajidyada.

Arrintan ayaa qayb ka ah barnaamij loogu magac daray soo booqo masaajidkeyga oo ay soo qabanqaabiyeen golaha muslimka Britain.

Tallaabadan oo ah mid guud oo dalka oo dhan ah ayay muslimiintu ku doonayaan inay gaaraan dadka kale ee aan Muslimka ahayn kadib xiisaddii ka dhalatay weerarradii kooxo xag jir ah ay bishii January ka sameeyeen magaalada Paris.

Aadam Dirir oo ah weriye madax banaan oo deggan London ayaan ka wareysanay.