Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ivory Coast iyo Algeria

Xalay garoonka Estadio De Malabo ee caasimadda Equatorial Guinea waxaa ka dhacday ciyaar aad u macaan oo dhexmartay laba kooxood oo lagu qadariyo ciyaaraha kubadda cagta ee Afrika ee kala ah Ivory Coast iyo Aljeeriya. Ciyaartaasi ayaa lagu soo bandhigay xirfado heersare ah. Balse kooxdii Aljeeriya waa la reebay oo 3-1 ayaa looga adkaaday.

Waxaa garoonka Estadio De Malabo ku sugnaa oo ciyaarta si toos ah boggeenna Facebook ugu soo tabinayay weriyaha BBC Cabdifitaax Ibraahim Maxamed Cagayare oo warbixintan inoo diyaariyay intii ay ciyaarta socotay.