Tahriibayaal xeebaha Yemen ku geeriyooday

Dad soo tahriibay oo ka badan 50 isuguna jira Soomaali iyo Oromo ayaa dhintay markii doon ay ku tahriibayeen ay kula degtay meel u dhow marinka Baabul-mandab oo ku aadan Tacis ee dalka Yemen, markii ay dabaylo xoog leh ku dhufteen.

Qunsulka Soomaaliya u fadhiya magaalada Cadan Axmed Cabdi Xassan ayaa uga waramay Wariyaheena Faarax Lamaane.