Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sharci laga soo saaray gawaarida Muqdisho

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawadda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay bilowday hubinta gaadiidka ka howlgala magaalada Muqdisho, kuwaasi oo in intooda badan ay wataan dad aan haysan warqadda milkiyadda gaariga.

Wasaaradda ayaa sheegtay in tallaabadan ay waxbadan ka tari doonto sugida ammaanka caasimadda, oo la ogaan doono cidda leh gaadiidka loo adeegsado falal dambiyeedyada.

Cali Gacal Gaabow waa agaasimaha guud ee wasaaradda gaadidka iyo duulista hawadda ee Soomaaliya, waxa uu khadka telefoonka ee Muqdisho ugu warramay weriyaha BBC Axmed Xaaji Xasan.