Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dameeraha Mandheera oo laga cabanayo

Dameeraha ayaa faa'iido badan u leh dadka ku nool magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, oo inta lagu xiro gaari dameer loo isticmaalo in alaabaha la isaga gudbiyo soohdinta ay wadaagaan dalalka Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya.

Iyada oo ay taa jirto, ayaa haddana qaar ka mid ah dadka Mandheera waxa ay ka cabanayaan dhibaatooyin ay kala kulmaan dameeraha, oo ay ka mid tahay in ay dadka jiiraan oo xataa ay dad sidaa ku dhinteen.

Weriyaha BBC Bashkas Jugso dhacay oo dhawaan safar shaqo ku tegay Mandheera, ayaa warbixintan ku eegaya dameeraha deegaankaasi.