Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ajaaniibta ku sugan S Afrika oo dibad baxay

Jahliyadaha Afrikaanka ah ee ku nool dalka Koonfur Afrika oo ay ku jiraan kuwa u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dibad baxyo ka dhigay magaalada Johansbag.

Waxa ay ka cabanayaan in lagu qaado weeraro ajnabi nacayb salka kuhaya, gaar ahaana kuwo lagu bartilmaameedsado Afrikaannimada.

Waxaa lagu soo waramayaa in bilihii u dambeeyay oo kali ah la boobay in kabadan kun dukaan oo ay ajaanib lahaayeen oo ku yaalay duleedka magaalada Johannesburg.

Cabdiraxmaan Raabi Waa Gudoomiyaha Jahliyadda Soomaalida ee Koonfur Afrika waxa uuna arrimahaasi uga waramay Axmad Xaaji Xasan.