Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaalida looma yeerin

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa xalay hadal ka jeediyey shir lagu qabtay aqalka cad ee Mareykanka kaasi oo ku saabsanaa ka hortaga xagjirnimada rabshadaha wadata.

Madaxweynaha Obama ayaa waxa uu sheegay in maraykanka aanu dagaal kula jirin islaamka balse uu dagaal kula jiro argigixiso magac islaam huwan, oo Islaamka dhibaateenaysa.

Kulankaasi waxa ka qeyb galay wakiilo ka soday in ka badan 60 wadan.

Abdi warsame, waxa uu ka midyahay golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis laga soo doorto. Wuxuuna kamid ahaa wafdi uu hogaaminayay xeer ilaaliya guud ee gobolka Minnesota oo shirkaasi lagucasuumay.

Abdi Warsame waxa uu ka qeyb qaatay doodihii iyo kulamadii ay wafuuda la yeesheen madaxda Maraykanka. Mohammed Hussein Shiine ayaa uga waramay wixii ay soomalida halkaas uga hadashay