Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maalinta caalamiga ee afka hooyo

Maanta waxaa caalamka laga xusayaa maalinta afka hooyo. Waa maalin dadka lagu dhiiri geliyo in ay afkooda hooyo iyo dhaqankoodaba hor mariyaan.

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxaa maanta ka dhacaysa xaflad ballaaran oo lagu xusayo maalinta afka hooyo

Haddaba maxaa ka mid ah caqabahdaha horyaalo luuqada af Soomaalga. Aqoonyahan Axmed Maxamed Ciise waxa uu in badan cilmi baaris ku sameeya isticmaalka afka Soomaaliga iyo iyo erey bixintiisa. Waxa uu Hargeysa ugu warramay weriyaha BBC Axmed Saciid Cige.