Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dad loo xirxiray weerarkii shalay

Lahaanshaha sawirka AP

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Laba iyo toban qof ay xirtay kuwaasi oo lagu tuhmayo inay gacan ku lahaayeen weerarkii shalay lagu qaaday hotel ku yaal magaalada Muqdisho.

Weerarka oo ay sheegteen al-Shabaab waxaa lagu dilay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dadka weerarka ku dhaawacmay waxaa ka mid ahaa Raiisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, oo dhaawaciisa maanta loo qaaday dalka Talyaaniga.

Weriyaha BBC Ibrahim Maxamed Aadam ayaa haya wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan arrintaas.