Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Mo Faarax oo rikoor jabiyay

Oradyahanka caanka ee Mo Farax ee u orda dalka Britain ayaa markii ugu horaysay jabiyay rikoorka adduunka ee oradada labada mile. Waxa uu ku dhamaystiray 8 daqiiqio iyo seddax ilbriqsi, tartankan ka dhacay magaalada Barmingham ee dalka Britain.

Waa rikoorkii ugu horeeyay oo uu jabiyo MO Farah oo horay laba jeer guula ka soo hooyay oradada olimbikada.

Wuxaa rikoorka uu jabiyay haystay oradyahanka u dhashay Itoobiya ee Kenenisa Bekele oo todoba sano ka hor ku dhamaystiray oradkan 8 daqiiqo iyo afar ilbiriqsi.

Mo Faraax waxa uu khadka talafoonka ugu waramay Maxammud Cali