Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Tiknoolajiyadda iyo haweenka Soomaalida

Marka laga hadlayo culuunta la xiriirta computerka ama tiknolojiyadda, badanaa waxaa barta ama ka shaqeeya ragga, gaar ahaan meelaha Soomaalida ay ku noolyihiin.

Laakiin hadda waxaa soo baxaya gabdho Soomaali ah oo si gaar ah ugu taqasusay culuunta computerka ama sameyn kara xittaa software ama barnaamij cusub oo kumbuuradu ku shaqeeyaan.

Gabdhahaas waxaa ka mid ah Sahra Cabdikarin Ibraahim oo haysata shahaadada koowaad ee bachelorka ee Computer science. Waxa ay u warrantay weriyaha BBC-da, Fardowsa Maxamed Cilmi oo ugu horayn waydiisay sababta ku dhalisay in maadadaas ay ku takhasusuto.